DF oo WAR kasoo saartay xirnaashaha waddooyinka iyo garoonka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu soo rogay bandow, ayada oo la xiray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo waddooyinka muhiimka ah, sababo la xiriira booqashada madaxweynaha Jabuuti.

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay tallaabada ay qaadeen laamaha amniga ee lagu joojiyay dhaq-dhaqaaqa waddooyinka iyo duulimaayada garoonka.

Saraakiisha hay’adaha amniga ayaa shaaca ka qaaday in muddada ay joogto martida ay xirnaan doonaan waddooyinka, waxayna shacabka ugu baaqeen inay dulqaad muujiyaan.

Ujeedka loo hakiyay dhaq-dhaqaaqa ayaa hay’adaha amniga waxa ay ku sheegeen sugidda amniga muddada uu dalka uu joogayo Madaxweyne Geelle oo ku soo socda Muqdisho.

“Hay’adaha ammaanka ayaa Muwaadiniinta sharafta badan ee Soomaaliyeed ka dalbanaya in ay dulqaad muujiyaan maadaama isu socodka la adkeeyay si amniga martida loo sugo,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee magaceeda loo soo gaabiyo (SCAA) ayaa bulshada qaybaheeda kala duwan ku wargelisay amarka lagu hakiyay duulimaadyada maanta ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay ku wargelinaysaa Bulshada Soomaaliyeed iyo cidda ay quseyso in la hakiyay howlaha shaqo ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, Arbacada berri ah 28/12/2022, laga billaabo lixda subaxnimo (6am illaa 6pm ee fiidnimo, sabab la xiriirta dib u dayactir” ayey tiri SCAA.

Hay’adda ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in go’aankan uusan saameyn doonin diyaaradaha gargaarka ee isticmaala garoonka weyn ee Aadan Cadde.

“Wargelintan, saameyn kuma yeelanayso diyaaradaha gargaar degdeg ah ( Air Ambulance ) kuwa ay ciladda qabsato iyo diyaaradaha VIP-da ah,” ayaa markale tiri Hay’ddu.

Si kastaba, madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo gaar ah la yeelan doono dhiggiisa Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna kadib xarigga ka jari doonaan dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA.