Madaxweynaha Jabuuti iyo wafuud kale oo Muqdisho imaneysa maanta + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta imaanaya Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online, sidoo kale wafuud ka kala imaaneysa dalal kale ayaa maanta ku soo wajahan Muqdisho.

Madaxweyne Ismaaciil ayaa markii uu Muqdisho yimaado waxay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh xarigga ka jari doonaan dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA.

Xaruntaas oo loo aas-aasay inay kaalin weyn ka qaadato soo nooleynta Af-Soomaaliga waxaa dhistay dowladda Jabuuti, waxayna ku taallaa degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa imaanaya wafuud kale oo ka kala imaaneysa wadamada Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo maanta Muqdisho ku soo jawahan, sida aan xogta ku heleyno.

Si rasmi ah looma oga waxa uu safarka wafuudaan salka ku hayo iyo arrimaha ay kala hadli doonaan madaxda Soomaaliya, markii laga reebo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo xaruntaas xarigga ka jaraya.

Dhinaca kale xogta aan heleyno waxay sheegeysaa in garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde uu maanta xiran yahay oo laga joojiyey duulimaadyada, sabab la xariirta wafuudaan imaaneysa dalka.

Hakadka lagu sameeyey duulimaadyada berri ayaa saameyn doono boqolaal qof oo shacab ah oo gudaha dalka u safri lahaa ama ka iman lahaa iyo boqolaal kale oo safarro caalami ah gali lahaa ama caasimadda uga iman lahaa.

Sidoo kale waxaa saakay lagu waabareystay iyadoo ay xiran yihiin inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in maanta ay sii xiraadaan saacado badan, inta ay ka laabaneyso wafuuda imaaneysa.