Duulimaadyada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo la joojiyey berri + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa caawa shaacisay in berri la hakiyey shaqada garoonka diyaarada ee Aadan Cadde, gaar ahaan duulimaadyada caadiga ah.

Duulimaadyada dibadda iyo gudaha dalka ayaa la hakiyey, muddo 12 saacadood ah, sida lagu shaaciyey war-gelintaan, inkastoo aan qoraalka hey’adda lagu shaacin sababta loo kahinayo duulimaadyada.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay ku wargelinaysaa Bulshada Soomaaliyeed iyo cidda ay quseyso in la hakiyay howlaha shaqo ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, Arbacada berri ah  28/12/2022, laga billaabo lixda subaxnimo  (6am  illaa  6pm ee fiidnimo, sabab la xiriirta  dib u dayactir,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda.

Qoraalka hey’adda duulista rayidka ayaa intaas ku sii daray, “Wargelintan, saameyn kuma yeelanayso diyaaradaha gargaar degdeg ah ( Air Ambulance ) kuwa ay ciladda qabsato iyo diyaaradaha VIP-da ah.”

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in berri oo Arbaco ah ay dalka imaanayaan wafuud ka kala socota dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, waxaana sidoo kale xirmi doona wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Wufuudda ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda federaalka ayaa inta badan duulimaadyada Aadan Cadde u joojin madaxda imaneysa Muqdisho marka laga reebo xaalado naadir ah.

Hakadka lagu sameeyey duulimaadyada berri ayaa saameyn doono boqolaal qof oo shacab ah oo gudaha dalka u safri lahaa ama ka iman lahaa iyo boqolaal kale oo safarro caalami ah gali lahaa ama caasimadda uga iman lahaa.