Wasiir Fiqi oo shaaciyey in Sheekh CALI DHEERE soo calaacalay fariinna u diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa soo saaray qoraal uu ugu jawaabayo Afhayeenka kooxda Al-shabaab Cali Dheere, oo sida uu sheegay calaacal soo diray.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inuu arkay calaacal uu soo diray Cali Dheere oo dalbanaya in la dhowro xuquuqda aadanaha, isla markaana baryootamaya, sida uu qoraalkiisa u dhigay

“Khawaarij Cali Dheere oo waxaa la hayaa xuquuqda aadanaha hala dhowro dhahaya oo intaas ku daray calaacal iyo catow, baryo iyo is-miskiinin,” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi. 

Fiqi ayaa intaas ku sii daray in aan la isgaarin oo dagaal hadda kow yahay, “Weli la isma gaarin Cali ee guntiga dhuuqso, qabaa’ilka Soomaaliyeed waa idin fahmeen, waana kuwa aad waxgaradkoodiina leyseen, hantidoodii aad boobteen, Karaamadoodiina aad ku xadgudubteen,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa Cali Dheere u sheegay inay u furan tahay kaliya inuu isisoo dhiibo, oo ka garaabo gaboodfaladii uu u geystay dadkiisa.

“Waxaa la joogaa waqtigii aad bixin lahaydeen qiimaha gaboodfalladii aad geysateen, waxaa kuu eg in Aad isa soo dhiibto oo kaliya!” Ayuu yiri Fiqi.

Kooxda Al-shabaab ayaa hadda jawaheysa guluf dagaal oo aad u culus, waxayna laga saaro deegaano iyo gedmooyin badan oo sanado ay maamulayeen.