Daawo: Jeneraal Odowaa oo amar culus kusoo rogay ciidanka dagaalka ku jira

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa amar culus dul dhigay ciidanka xoogga iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka.

Taliyaha ayaa ciidankaan ku amray in meeshii lagu arko lagu toogto ninkii isbaaro dhigta, isagoo aad ula dardaarmay ciidankaan oo u diyaar garoobaya duulaan lagu qaadayo Galgaduud.

“Qofkii isbaaro u taallo meeshii lagu arko ayaa lagu dilayaa, xitaa maxkamad lala sugi maayo, isbaareyste lama sii fiirsa karo, ma dhici karto in isbaaro aan raali ka noqono, quluubta dadkeena in aan ilaalino waa waajib,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Sidoo kale Taliyaha ayaa aad uga hadlay dagaalka Al-Shabaab, isagoo ciidankaan kula hadlay xuduuda kala qeybisa gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe.

Taliyaha ayaa aad u amaanay taliyaha ciidanka dhulka oo afar bilood furimaha dagaalka ku sugan, isagoo xusay in saaxiib qaali ah dagaalka lagu wey doono maalmaha soo socda.

“Hadii maanta ay faraxsan yihiin dadka aad ka xoreyseen Al-Shabaab, waxaa weli madaxa hoos u raaricinaya oo ilmeynaya hooyo Soomaaliyeed oo weli ay dhibaato ku hayaan, waa in aan deg deg uga xoreyno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Odawaa.

Taliyaha ayaa sheegay in ugu yaraan seddax kun oo Shabaab ah ay xaaladda dagaalka ka baxeen bilihii lasoo dhaafay, kuwaas oo isugu jira kuwo la dilay, kuwo baxsaday iyo kuwo duurka ku jira oo dagaal aan diyaar u aheyn.

Hoos ka daawo