Xiisadda Puntland oo kasii dartay kadib markii Deni uu ku gacan sayray laba qodob

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ku guuleystay kala jebinta ururada siyaasadda, kadib markii uu shir la yeeshay qaar kamid ah ururada.

Garabka kasoo horjeeda Deni ayaa hore u soo saaray dalabaad ay ku xirayaan si doorashada uga qeyb-galaan, kuwaasi oo badankooda uu aqbalay Deni, hase yeeshe uu ganafka ku dhuftay labadii ugu cuslaa.

“Ururada Siyaasadda Puntland waxaa ay ila wadaageen 13 qodob oo ay u arkeen kuwo u baahan in wax laga qabto kahor xilliga doorashada, 11 qodob oo kamid ah soojeedintooda waxaan ka bixinay garowshiyo oo qeybtood waxaan dhameystirnay iyadoo ay kulamadu noo socdaan, halka 2 qodob ay u baahdeen wax ka bedel sharci,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Deni ayaa ka horyimid in la furo nidaamka xisbiyada ee xadidan iyo in la dhimo tirada Xildhibaanada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka, ayada oo go’aankaas ay ku raaceen garabka taabacsan ee urur siyaasadeedka.

“Si loo yareeyo waxkasta oo caqabad ku noqon kara hanaanka diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinkaba, waxaa ay dowladdu ka shaqeynaysaa xalinta cabashooyinka ku saabsan soohdimaha kahor intaan la gaarin waqtiga diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaash.”

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Waxaa ku baqayaa in la dhawro habraacyada iyo nidaamka xisbiyada Puntland, xubin kasta oo ku soo baxda magac urur islamarkaana ka baxda ururka oo ku biirta midaklae ama ka hortimaada ajendaha ururkiisa, waxay dhuminaysaa xasaanada, waxaana booskiisa ururku u magacaabaya qofkii kusoo xigey isaga.

“Sida hore uga dhacday saddexdii degmo ee ay doorashooyinka ka qabsoomeen, ururkasta oo hela aqlabiyada codadka deegaan doorasho ama isbaahaysi ku yimaada labo urur, waxaa ay xaq u leeyihiin in ay soo dhisaan maamulka degmadaasi iyaga oo ka madax-banaan faro-gelin.”

Qoddobada uu ogolaaday Deni ayaa u muuqdo kuwa aan laheyn miisaan buuran, lagana leeyahay dano siyaasadeed maadama labadii ugu muhiimsana uu ka horyimid, sida ay qabaan dadka sida ugu dhaw ula socda arrimaha doorashooyinka maamulka Puntland.

Ururada Siyaasadda Puntland, gaar ahaan garabka ay isa-seegeen Deni ayaa hore warbaahinta uga sheegay inay ku kalaceen kulan ay la yeesheen madaxweynaha, kadib markii ay isku fahmi waayeen qoddobadii ugu muhiimsana.

“Dhamaan wada-xaajoodyadii la xiriiray qodabadii dhinaa ee muhiimka u ahaa qabsoomida doorashada, madaxweynuhu ma fulin, balse taasi badelkeeda xukuumaddu ay ku mashquulsan tahay kala jabinta ururada iyadoo faro aan nadiif aheyn kula dhex jira ururada siyaasadda.”

Waxay ku dhawaaqeen shirweyne ay isugu yimaadan qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo badbaadiyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada Puntland, loogana saaro hubanti la’aanta siyaasadeed ee maanta ka jirta.