Wareysi: DF oo ka hadashay xayiraada ay AL-SHABAAB kusoo rogeen Hormuud

Muqdisho Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xayiraado ku soo rogtay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom, waxaana arrintaas ka hadlay Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood.

Caanood oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dooneyso inay ka hor tagto wax kasta oo ciidanku ay isticmaali karaan, isla markaana ay soo gaartay arintaan.

“Deegaano badan oo Qaayib iyo Dhisaqshurufle ee gobolka Galgaduud ay ku jiraan ayey horay isgaarsiinta uga burburiyeen, sida aan ognahay Al-Shabaab ma ogola wax kasta oo ciidanka ay ku ogaan karaan xogtooda ama ku wada xiriiri karaan,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Afhayeenka ayaa sharkadaha ku amaanay inay dadaalaan oo dib u howlgeliyaan xarumaha ay mar kasta ka burburiso kooxdu.

“Gobolka Hiiraan deegaano badan oo Yasooman, Tardo iyo Moqokori ay ku jiraan ayey ka burburiyeen isgaarsiinta, meel kasta oo ciidanku inay ku soo weeraraan ay ka cabsadaan waa ka burburiyaan isgaarsiinta,” ayuu yiri.

Sidoo kale gobolka Sh/Dhexe wuxuu sheegay in meel kasta oo ciidanku ay uga soo dhawaadaan ay isgaarsiinta ka burburiyeen, isagoo soo tiriyey deegaanada laga burburiyey isgaariinta shirkadda Hormuud.

“Gobolka Sh/Dhexe, waxay isgaarsiinta ka jebiyeen, sida Masaajid Caligaduud, Aadanyabaal, Juxaay, Al-Kowthar, Halgan iyo tulooyin u dhow Daarusalaam ayey ka burburiyeen xarumaha isgaarsiinta,” ayuu yiri.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in kooxdaan ay cadow ku tahay guud ahaan nolosha bulshada, isla markaana ay u arkaan in Hormuud ay tahay meelaha ay bulshado sahay ahaan ugu noolaa karaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Taliyaha oo la weydiiyey waxa ay kala socdaan amarka la duldhigay shirkada ayaa sheegay inay maqleen in Hormuud lagu amray in shaqaalaheeda aysan isku gudbi karin.

“Waxay amarkaas kala jeedaan inay ka hor tagaan dhaqdhaqaaqa shaqaalaha shirakadda, iyagoo intaas ciqaab ka dhigaya, marka looma joojiyo in kastoo ay shirkaddu ciqaabantahay, hadana waa laga soo kabsadaa dhibka ay geystaan, tana waa qeyb dagaalka ka mid ah,” ayuu yiri Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood.

Hoos ka dhageyso wareysiga