Sawirro: Sidee Geelle loogu soo dhaweeyay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Gelle ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo uu ku soo dhoweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha iyo qaar kamid ah madax goboleedyada iyo mas’uuliyiin kale ayaa sidoo kale qayb ka ahaa soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga madaxweyne Geelle.

Intaas kadib madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo loo diyaariyay soo dhoweynetiisa.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada, halkaas oo ay wadahadallo ku yeelan doonaan, isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale xarigga ka jari doono dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA.

Xaruntaas oo loo aas-aasay inay kaalin weyn ka qaadato soo nooleynta Af-Soomaaliga waxaa dhistay dowladda Jabuuti, waxayna ku taallaa degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa imaanaya wafuud kale oo ka kala imaaneysa wadamada Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo maanta Muqdisho ku soo jawahan, sida aan xogta ku helnay.

Ammaanka ayaa sidoo kale maanta aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka, sidoo kale waxaa la hakiyay duulimaadyadii maanta imaan lahaa magaalada Muqdisho.