Sawirro: Maxaa ka soo kordhay xaalada Jawaari?

Istanbul (Caasimada Online)  – Waxaa haatan soo hagaageyso xaaladda caafimaad ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ku jiro isbitaal ku yaallo magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan safar transit ku ah magalada Istanbul ayaa isbitaalka ku booqday Jawaari.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee Jawaari ay aad u wanagsan tahay, islamarkaana uu caafimaad qabo, wuxuuna Alle uga baryey inuu u siyaadiyo.

Sidoo kale dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay u soo duceeyaan guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, si uu Eebbe u siiyo caafimaad taam ah.

Allaha caafiyee Proff. Jawaari ayaa diyaarad gaar ah looga qaaday Muqdisho kadib markii ay kasii dartay xaaladdiisa caafimaad, isaga oo kahor maalmo ku jiray isbitaalka Digfer.

Si kastaba, marar kala duwan ayaa guddoomiyihii hore ee baarlamaanka xaalado caafimaad dartood loo dhigay isbitaallada Muqdisho, kadib xanuuno soo wajahay.

Jaawri ayaa ah rugcaddaa weyn oo siyaasadeed, walow kursigiisa xildhibaanimo uu waayey doorashadii u dambeysay, kadib markii uu tartanka ka reebay madaxweyne Lafta Gareen.