Sawirro: Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Biixi iyo Nicolas Berlanga?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga Martinez

Waxaana kulankaasi lagaga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dhinac ee u dhaxeeya Midowga Yurub iyo Somaliland, iyadoona diirada lagu saaray taageerada ay Beesha caalamku ka geysato horumarinta arrimaha bulshada.

Kulankaasi ayaa sidoo kale waxa looga hadlay Arrimaha doorashooyinka oo waqti xaadirkan ay ka taagan yihiin khilaaf baahsan oo u dhaxeeya Mucaaridka iyo Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi.

Waxaana kulankaasi looga hadlay sidii uu Midowga Yurub u sii kordhin lahaa qoondada dhaqaale ee uu ku taageero Somalilanad iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa mashaariicda horumarineed ka wadaan gudaha Somaliland.

Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii layskaga kaashan lahaa horumarka iyo amniga guud ee mandaqadda geeska Afrika.