Xukuumadda Somaliland oo WAR ka soo saartay arrin dood badan dhalisay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa war ka soo saartay Shax muujineysa sida ay gobolada u kala heleen qoondada Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).

Somaliland ayaa gebi ahaanba beenisay inay jirto Shax ay soo saartay oo gobolada loogu qeybiyay Mashruuca SDF, taasi oo maalmihii u dambeysay aad loo wareejinayey baraha bulshada, isla markaana dhalisay dood faro bdaan.

Xasan Maxamed Gaafaadhi, Wasiirka qorsheynta Somaliland oo arrinkaasi ka hadlaya ayaa si cad u sheegay inaysan jirin Shax lagu qeybiyay Mashruucaasi, oo uu xusay in weli si rasmi ah loo soo bandhigin oo gacanta ku hayso Wasaaradu.

“Waxa ilaa shalay maraayay baraha bulshada shax inan wariye ah uu soo dhigay oo tilmaamayay sida loo qaybiyay mashruuca SDF ama mashruuca horumarinta Somaliland  oo uu ku shaxeeyay gobalada iyo mid waliba intuu ka helay, waxaanu umadda iyo shacabka Somaliland aanu u sheegaynaa  arinkaasi mid ay wax ka jiraan maaha” Ayuu yiri Wasiir Gaafaadhi.

Wuxuuna intaas kusii daray “Arin sal iyo baar toona leh maaha mid ay dadka gacanta ku hayaa ay ka jawaabi karayaan maaha iyada oo aan ilaa hadadaa shax rasmi ah laba hayn, waayo mashruucii waxna way ku jiraan qabyo qoraal, waxna wali lamaba qorin, waxna waa la oglaaday intaas oo marxaladood ayuu isugu jiraa”.

“ilaa hada wax la garan karaa dhawrka mashruuc ee la ogolaaday, laakiin waxii kale oo dhan waa wax qaydhin oo gacan uur ku jirta ah wax la ansixin doono iyo waxaan la ansixin doonin alle ayaa og, ninka shaxdaas soo dhigay khalkhal iyo been abuur balaadhan ayuu gaystay, dacaayad iyo war aan jirin waxaanay tahay inuu isagu ka jawaabo meeshii uu ka keenay”.