Wararkii ugu dambeeyey ee qaban qaabada socota ee doorashada Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay saaka si aad ah u xoojiyeen ammaanka guud magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada gobolka Galgaduud.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay howlgallo ka wadaan baraha Control ee magaaladaasi, iyaga oo baaraya gaadiidka iyo dadka saaran intaba.

Sidoo kale ciidamada ayaa xadiday dhaq dhaqaaqa qeybo ka mid ah Dhuusamareeb, gaar ahaan xarunta Shiirkoole oo lagu wado in lagu qabto doorashada Galmudug.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan ka socota halkaasi, taas oo lagu wado in la qabto beri oo Axad ah, kuna beegan waqtigii loo asteeyey.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in weli kulamo siyaasadeed ay ka socdaan Dhuusamareeb, kuwaas oo xal loogu raadinayo khilaafka maamulkaasi.

Kulamada ah kuwa xasaasi ayaa waxa ay u dhexeeyaan guddoonka baarlamaanka Galmudug iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi, gaar ahaan kuwa diidan ka qeyb galka doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Galmudug ayaa gashay marxaldo adag, tan iyo markii la galay dhismaheeda, waxaana sii kala qeyb samay hoggaanka sare ee maamulkaasi.

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ayaa waxaa ka socda abaabullo iska soo horrjeeda oo lagu dhisayo saddex maamul oo kala madax banaan.

Xaaladda ayaa haatan cakiran, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, iyada oo uu dhamaaday waqtigii loogu tala galay dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.