Sawiro: Marwada 1-aad oo kulan la yeelatay wasiirka caafimaadka Turkiga iyo madaxa hay’adda TIKA

Ankara (Caasimada Online) – Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Saynab Cabdi Macallim oo gaartay dalka Turkiga, ayaa magaalada Ankara kulan kula qaadatay Wasiirka Caafimaadka Dowladda Turkiga Dr. Fakhrudiin Koojan iyo madaxda ugu sarreysa Hay’adda TIKA.

Marwo Saynab, ayaa ugu horreyn Dowladda Turkiga uga mahadcelisay siday u garab istaageen shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadkii ay u sameeyeen dhacdadii u dambaysay ee qarixii lala beegsaday dadka aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed.

Markale, marwadu waxay dowladda iyo shacabweynaha Turkiga uga tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhalatay dhul-gariirkii dhowaan ka dhacay gobolka Elazig ee Bariga Turkiga, waxayna caafimaad degdeg ah u rejaysay dadkii waxyeeladu ka soo gaartay.

Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Turkiga iyo Marwada Koowaad ee Qaranka ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta Xarumo Caafimaad [MCH] Kuwaasi oo Marwadu ay ka dhisayso guud ahaan Dalka Soomaaliya, isla markaana ay hore uga wada hadleen Dowladda Turkiga.

Dhinaca kale, Marwada koowaad ee Qaranka Saynab Cabdi Macallim ayaa kulan gaar ah  la qaadatay  Madaxda ugu sarreysa Hay’adda TIKA oo dowladda Turkiga u qaabilsan Horumarinta iyo Mashaariicda laga fuliyo dalka dibaddiisa, waxayna kala hadashay  sidii loo dardargelin lahaa Mashruuca dhismaha Xarumaha Caafimaad ee Marwadu ay doonayso in ay ka  hirgeliso Soomaaliya.

Ugu dambayntii, Marwo Saynab ayaa Dowladda Turkiga uga mahadcelisay guud ahaan mashaariicda kala duwan ee  ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.