Video: Wasiir Goodax Barre oo weerarkii ugu xumaa ku qaaday C/raxmaan Faroole kuna adkeystay mowqifka DF

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay dowladda federalka in aysan marnaba kasoo dabcayn mowqifkeeda ku aadan in arday ka socda Puntland uusan helidoonin wax shahaado ah, haddii uusan gelin imtixaanka dowladda Soomaaliya ay qaadayso.

Goodax Barre ayaa Puntland ku eedeeyay inay iyadu siyaasadaysay waxbarashada oo ay qiil ka raadinayso khilaafka waxbarashada kadib markii siyaasadihii kale meel marsiin waayeen, waa sida uu hadalka dhigee.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in waxa ay isku hayaan Puntland ay tahay arrin fudud oo ah, “Ardayga waa inuu imtixaanka galo oo la siiyo shahaado u qalanta”, Balse wuxuu sheegay inay Puntland doonayso “Arday waa inuu imtixaan galo, arday kale oo aan imtixaanka gelina waa inay isku shahaado helaan”, taasina aysan ahayn wax caqliga saliimka ah uu qaadanayo.

Goodax Barre ayaa dhinaca kale jawaab culus ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray Senator Cabdiraxmaan Faroole, isaga oo weerar kale ku qaaday.

Goodax Barre ayaa sheegay in ay wax laga qoslo ay tahay heshiiska Faroole uu sheegay inuu Gaalkacyo kula galay Cumar Cabdirashiid intii uu ra’iisul wasaaraha ahaa, kaasi oo dhigaya in deeqda waxbarasho ee Soomaaliya oo dhan 25% laga siiyo Puntland.

Goodax Barre ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaas xitaa hadduu jiro uu yahay mid ay wada galeen laba nin oo isku meel kasoo wada jeeda.

“Heshiiskaas lama yaqaan meesha uu Cumar Cabdirashiid geeyey, kolayba Xamar lama keenin” ayuu yiri Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo shir jaraa’id ku qabtay dalka Turkiga.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Goodax oo dhameystiran.