Sawirro: DF oo daah-furtay barnaamij muhiim u ah dib u eegista dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Saalax Jaamac ayaa maanta daah-furay barnaamij wacyigelin ah, kaas oo muhiim u ah arrimaha dib u eegista ee dastuurka KMG Soomaaliya.

Barnaamijkaan oo ah kii ugu horreeyey ayaa waxaa loo qabtay dhalinyarada Muqdisho iyo saxaafadda, isaga oo socon doona seddexda cisho ee soo socta.

Wasiir Saalax oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ujeedadu tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay la socdaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay talo ku yeelan doonaan qodobada maasiiriga ah ee u baahan in ra’yigooda ay ka dhiibataan”

“Waxa aan aad ugu faraxsanahay in maanta qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed aan ku bilowno furitaanka ololaha, waxaan dooneynaa in aan wacyigiina kor u qaadno si aad ula socotaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka islamarkaana aad talo ugu yeelataan qodobada maasiiriga ah ee u baahan in aad ra’yigiina ka dhiibataan”. ayuu yiri wasiirka wasaaradda dastuurka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in ololahan la gaarsiin doono dhamaan dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si kor loogu qaado wacyiga dadka ee ku saabsan arrimaha dib u eegista dastuurka.