Xog: Sidee ayuu Cabdirashiid Janan uga baxay Muqdisho kuna gaaray Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa habka uu wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan maanta ku gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Cabdirashiid Janan ayaa dekedda Kismaayo ku tegay doon, isaga oo ay wehliyaan ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in Janan uu jidka kusoo jiray laba maalmood, isaga oo soo maray dhowr meel oo kala duwan, islamarkaana mar soo bedeshtay doonta uu ku socday, si aan loo fahmin.

Waxaan sidoo kale ogaanay, in Janan uusan doonta ka raacin magaalada Muqdisho, balse uu magaalada uga baxay baabuur kadibna uu tegay xeeb ku dhow Muqdisho oo weli aan la xaqiijin, halkaasi oo uu doonta ka raacay.

Intii uu xabsiga ka baxay illaa uu ka tagay Kismaayo waxaa jiray xiriiro kala duwan oo uu sameystay, kuna xaqiijiyey in wax kasta ay diyaar usii ahaadaan. Janan ayaa intii uu xabsiga ku jiray mar mar loo ogolaa xiriirka dibedda, taasi oo ka caawisay diyaarinta qorshihiisa.

Kadib doontii uu ka raacay xeeb ku dhow Muqdisho, ayaa la sheegay inuu la xiriiray maamulka Jubaland, oo kadibna ay usoo direen doon dheereysa iyo ciidamo , taasi oo gaysay Kismaayo.

Howl-galka Janan uu kaga baxay Muqdisho, kuna gaaray Kismaayo, ayaa waxaa ku baxay qarash badan, oo la siiyey qaar ka mid ah dadkii caawiyey.

Dowladda Soomaaliya ayaa 28-kii Janaayo shaaca ka qaaday in Janan uu ka baxsaday guri uu ku xirnaa oo ku yaalla magaalada Muqdisho, isaga oo jebiyey daaqadda.

Xilligaas ayaa Janan wuxuu ku sugnaa guriga kaliya shan maalmood kadib markii laga soo wareejiyey xabsiga uu kaga xirnaa magaalada.

Cabdirashiid Janan ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho laga qabtay 31-kii August 2019, xilligaas oo uu hakad ku ahaa, isaga oo ku socday magaalada Addis-Ababa.