Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kullan Villa Somalia ku dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Maxamed ”Farmaajo” iyo Diplumaasiyiin ka tirsan Beesha Caalamka oo uu Hogaaminaayo ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee QM ahna Isu duwaha arrimaha gargaarka ee Somalia Peter de Clerq.
Kulanka Madaxweynaha iyo Peter de Clerq, ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay Amniga, Horumarka, Siyaasada iyo Abaaraha.
Mr Peter de Clerq, ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay ka go’an tahay inay garab istaagto Dowlada ku imaaday rabitaanka Shacbiga Soomaaliyeed, waxa uuna farta ku goday in howlaha ay la wadaagi doonaan ay noqon doonto xoojinta wadashaqeynta iyo in la dhabar jabiyo abaaraha dhulka ku daray shacabka iyo xoolaha ay dhaqanayeen.
Peter de Clerq, waxa uu sheegay in mudada lagu guda jiro ay xooga saari doonaan sara qaadka amniga iyo Horumarka Somalia, wuxuuna carab dhabay in Beesha Caalamka ay laba jibaari doonto howlaheeda Somalia.
Madaxweyne Farmaajo iyo Mr Peter de Clerq ayaa sidoo kale, isku afgartay in si degdeg ah loo qabto kulan ay goobjoog ka yihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, hay’adaha gargaarka iyo guddiga gurmadka abaaraha kaas oo lagu lafa gurayo sidii kaalmo degdeg ah loo gaarsiin lahaa meelaha ay abaaruhu ku dhufteen.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu sidoo kale, kulan gaara la qaatay Danjire Veronique Lorenzo iyo Alexander Rondos oo Hogaaminaayay Diplumaasiyiin ka soctay Midowga Yurub.
Madaxweynaha iyo Diplumaasiyiinta ayaa ka wada hadlay sidii Midowga Yurub uu u xoojin lahaa taageerada dhaqaale ee ay ku bixiyaan dhismaha hay’adaha amniga Somalia.
Intaa kadib waxa uu Madaxweynuhu u Hambalyeeyay Guddoomay Xasan Bin Xamza oo madax ka ah safaaradda Qadar ee Soomaaliya.