Sawirro: Maxay kawada hadleen Keating iyo Axmed Madoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo booqday Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating, isaga oo halkaasi kula kulmay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Micheal Keating, ayaa Axmed Madoobe kala hadlay arrimaha Doorashooyinka, Amniga, Siyaasada iyo arrimo kale.

Micheal Keating, ayaa Axmed Madoobe ka dalbaday inuu dardar galsho kaalinta kaga aadan doorashada, waxa uuna sheegay in looga baahan yahay inuu adkeeyo amniga goobaha la filaayo inay ka dhici doonto doorashada.

Axmed Madoobe ayaa Mr Micheal Keating u sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay inay muujiso kaalinteeda waxa uuna u sheegay in ahmiyada Jubbaland ay tahay inay muujiso kalsooni.

Madoobe waxa uu sheegay in Jubbaland ay ku filan tahay amnigeeda waxa uuna u cadeeyay in ciidamo gaar ah ay u diyaariyeen goobaha doorashada.

Micheal Keating, ayaa sidoo kale la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan rugta ganacsiga Jubbaland iyo Saraakiisha Taliska AMISOM ka jooga magaalada Kismaayo.

Keating, ayaa Taliyayaasha kala hadlay la shaqeynta maamulka iyo ka qeybqaadashada amniga xarumaha la filaayo inay ka dhacdo doorashada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
axmed madoobe iyo Keting1

axmed madoobe iyo Keting2

axmed madoobe iyo Keting3
keatinig iyo Axmed Madoobe1

keatinig iyo Axmed Madoobe2

keatinig iyo Axmed Madoobe3