Xog Dhaawacyadii Gaalkacyo oo Ethiopia loo qaadayo & Gaas oo…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo loo qaadayo dalka Dibadiisa.

Wararja ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas uusoo dhameeyay in dalka Ethiopia loo qaado dadka dhaawacyada daran qaba, kuwaasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay qaraxyadii shalay dhacay.

C/Welli Gaas oo ku sugnaa maalmahaan magaalada Addis Ababa ayaa ka codsaday dowlada Ethiopia iney dabiibto dadka dhaawacyada halista ah qaba.

Magaalada Gaalkacyo waxaa haatan tagay madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey kaasi oo booqday halkii la dhigay dhaawacyada qaraxyada shalay ka dhashay.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa amar ku bixiyay in loosoo gudbiyo dhaawacyada halista ah ee aan dalka wax looga qaban karin, wuxuuna sheegay in diyaarad deg deg ah dalka dibadiisa loogu qaadi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com