Danjire Ameriko: Ma aqbali karno hal naf oo macno daro ku baxda

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa cambaareeyey weerarkii madaafiicda ee shalay ka dhacay Muqdisho iyo qaraxyadii magaalada Gaalkacyo oo dad badan lagu dilay.

Bayaan kasoo baxay ayuu Danjire Ameeriko ku sheegay inuu aad uga xun yahay dadka masaakiinta ah ee lagu laayey labada magaalo, isaga oo tacsi u diray ehalladooda, kuwa dhaawacana alle uga baryey soo bogsasho deg deg ah.

“Waa in la baaraa labada dhacdo, oo waxmagaratada ka dambeysay sharciga la horekaana” ayuu jiri Dajire Ameeriko.

Waxa uu sheegay in dhibka Soomaaliya ka jira uu qeyb ka yahay in mar kasta oo ay wax dhacaan la iska hilmaamo, ayada oo aan baaritaan dhab ah la sameyn lana soo qaban kuwa ka dambeeya ficillada argagixisada ah.

“Ma aqbali karno hal naf oo macno daro ku baxda, waa inaan naf kasta oo Soomaaliyeed ula dhaqannaa inay tahay mid aad qiimo u leh oo nagu weyn, oo aan ka gubanaa marka la isku dayo in macno daro lagu gooyo” ayuu yiri.

Waxa uu ballan qaaday in haddii hoggaanka dalka uu ku guuleysto uu dalka kusoo celin doono xasiloono buuxda, ayada oo lala tashanayo shacabka, loona madax baneynayo in aayahooda go’aan ka gaaraan.

“Mar kasta oo naf aan waxba galabsan macno darro lagu gooyo, waxaa sii dheeraanaya dhibka ina haysta, waa inaan isku duubnaanaa oo aan cadowga iska dhicinaa” ayuu yiri.

Danjire Ameeriko ayaa la filayaa inuu isku soo sharxo qabashada hoggaanka dalka, ayada oo Soomaali badan ay iminka sidaas ugu baaqayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com