Villa Somalia oo hooy u noqotay siyaasiyiin uu XASAN kala yimid…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan la filaayo in dalka ay ka dhacdo doorasho lagu dooranaayo Madaxweyne Cusub oo hogaaminkara dalka, ayaa waxaa iminka soo baxaaya in Madaxtooyada Somalia ay ku qulqulayaan Siyaasiyiin aan horay uga soo dhexmuuqan Siyaasada Somalia.

Siyaasiyiintaani oo qurba-joog u badan ayaa iminka Hooy ka dhigtay Xarunta Madaxtooyada Somalia kuwaasi oo badi kulamo joogta ah la qaata Madaxweynaha xilka kasii degaaya Xassan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiyiintaani dhowr jiho ku socta ayaa la sheegay in badankooda uu la imaaday Madaxweynaha Somalia, kuwaasi oo la rumeysan yahay in xiriir fog uu kala dhexeeyo dowladaha reer galbeedka, gaar ahaan kuwa ka dhexmuuqda Siyaasada Somalia.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Siyaasiyiintaani qaarkood uu dhaqaalaha ka bixin doono Madaxweyne Xassan Sheekh kuwaasi oo boos celis u ah Madaxweynaha si aan looga itaal roonaanin doorashada.

Siyaasiyiin lagu sheegay ilaa laba ayay xogtu sheegeysaa in Xassan Sheekh uu u kaashan doono doorashada si ay uga mashquuliyaan kuwa kale ee la tartameysa, halka kuwa kale ay dib u hagaajin doonaan calaaqada ka dhexeysa Xassan Sheekh iyo Beesha Caalamka.

Qorshahaani ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshooyinka u degsan Xassan Sheekh ee lagu marin habaabin doono Musharaxiinta kale ee u taagan doorashada, waxa ayna tani fajac galisay saaxiibada Xassan oo iyagu aan xog ka heyn ujeedka Siyaasiyiintaani loo dajiyay Villa Somalia.

Talaabadaani ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan Xassan Sheekh ay caqabad kala soo deristay dhanka ololihiisa oo inta badan noqday kuwo fashilmay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com