Xog: Xasan oo wada qorshe wax looga bedelayo habka soo xulista xidhibaanada 2016 (Ergo maya)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billaabay qorshe la doonayo in wax looga beddelo hanaanka soo doorashada xildhibaanada cusub ee Soomaaliya.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, xildhibaanada oo la filayey markii hore in midkiiba ay soo doortaan 50 ergo, ayaa Xasan waxa uu doonayaa inay soo xulaan oo kaliya 135-ka oday ee soo xulay xildhibaanada iminka jira.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaal uu Xasan doonayo inuu ku laaluusho odayaasha, maadaama ay adag tahay in 50 ergo la wada laaluusho.

Kulan ka dhacay Villa Somalia oo Xasan uu la yeeshay guddoomiyaha guddiga doorashada, ee uu asaga magacaabay Cumar Dhagey, ayuu kaga dhaadhciyey qorshahan, una sheego inuu isaga oo kaashanaya ururada bulshada rayidka ay soo jeediyaan arrintan, si aan asaga loo tuhmin. Waxaa la isku raacay saddex qorshe oo kala ah.

1 – In Cumar Dhagey uu marka hore soo jeediyo arrintan.

2 – In Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Boorsaani uu kadib abaabulo banaanbax lagu taageerayo.

3 – In kadib Xasan uu arrinta horgeeyo xubnaha madasha, isaga oo isku haleynaya taageerada Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe.

Waxaa saddexdan qorshe loo marayaa si loogu muujiyo beesha caalamka in arrintan uusan ku lug lahayn Xasan Sheekh.

Waxaa qorshuhu yahay in lagu doodo in haddii ay ergo suu xulayaan xildhibaanada in waqtiga uu dheeraanayo, sidoo kalena aan la sugi karin amniga ergooyinka oo dhowr toban kun gaari doona.

Lama oga waxa ay xubnaha madasha ka yeeli doonaan qorshahan cusub ee Xasan oo ujeedkiisa ugu weyn uu yahay inuu lagu xaqiijiyo inuu gacan weyn ku yeesho soo xulista xildhibaanada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
Caasimada@live.com