Mas’uuliyiin dhaqaale lacag kala baxay B/Dhexe oo xabsi la dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno dhanka xubno ka tirsan Bankiga dhexe ee Somalia, ayaa xaqiijiyay in Qasnada Bankiga lagala baxay dhaqaale aad u xoogan.

Wararku waxa ay sheegayaan in lunsashada dhaqaalahaasi loo xiray dhowr mas’uul oo ka tirsan Bankiga Dhexe, kuwaasi oo iminka ku jira Xabsiga Dambi Baarista DF ee loo yaqaan CID-da.

Mas’uuliyiinta lagu xiray xabsiga CID-da ayaa waxaa kamid ah mas’uul lagu magacaabo Xasan Sheekh Cilmi oo Masuuluyiinta sar sare ee Bank dhexe ka tirsan iyo Howlwadeeno la shaqeeynayay.

Mas’uuliyiintaani ayaa la sheegay in dhaqaalahaasi ay uga faa’iideysanayeen xiliga kala guurka, inkastoo warar kaasi ka duwan ay sheegayaan in dusha laga saaray dhaqaale xili hore Qasnada looga saaray Xildhibaano mooshin kawaday Xassan Sheekh.

Xariga mas’uuliyiintaani ayaa timid kadib markii xisaabtan uu dhexmaray mas’uuliyiinta ugu sareysa Bankiga Dhexe, waxaana lagu soo baraarugay in Qasnada Bankiga lagala baxay dhaqaale aad u xoogan.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ku sifooway Musuq-maasuq, Eex iyo laaluush aan sal iyo baar ku laheyn sharciga dalka u degsan, waxa ayna tani imaaneysaa iyadoo dhawaan dhaqaalaha ugu badan ee ku jira Bankiga Dhexe lagu shubay Xafiiska Madaxweynaha dalka.

Geesta kale, waxaan jirin wax war ah oo kasoo baxay dowlada, taa oo ku aadan xariga Mas’uuliyiintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com