Qabyaalad iyo boob: CC oo Xil kale u magacaabay Ina-adeerkiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo sii wada magacaabidda xilal muhiim oo si qarsoodi ah ku socda ayaa dhowaan xoghaye joogto ah u magacaabay Wasaaradda Maaliyadda.

Cumar C/rashiid ayaa magacaabay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya, waxaana xilkaasi uu u magacaabay nin ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Axmed Dayib Nuur, kaasoo ka howlgalay Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo aan saxaafadda loo soo badhigin magacaabiddiisa.

Xilka xoghayaha joogtada ayaa la sheegay inaysan hore u lahayn Wasaaradda Maaliyadda xilliyadan danbe, lama oga sababta uu Ra’isual wasaaraha u soo kordhiyay xilligan kala guurka ah, marka laga reebo shakiga ay qabaan madaxa Wasaaradda Maaliyadda ee ku saabsan loolanka madaxda sare ku dooneyso in ilaha dhaqaalaha kula wareegaan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in is mari waa’ ka taagan yahay shaqada Wasaaradda Maaliyadda taasoo uu sababay xoghayaha cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallo looga faa’iideysanayo xilliga kala guurka oo xilalka iyo hantida qaranka uu ku boobayo Cumar.

Xilkan ma ahan kan kaliya ee uu Cumar Cabdirashiid ku taxayo beeshiisa. Halkan ka aqri xilal kale oo uu magacaabay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com