Safaarada DF ee Kenya oo kala dirtay shirkii maamulada dalka

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Danjiraha DFS u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxa’ed Xassan uu hakiyay shir la sheegay in magaalada Nairobi uu uga socday mas’uuliyiin ka kala soctay maamulada dalka.

Danjiraha oo gaaray Xarunta uu shirka ka socday ayaa kala diray xubnaha kala matalaayay maamulada Jubbland, Galmudug iyo Puntland kuwaasi oo shirkooda uu khuseeyay amniga Bahada Soomaalida.

Shirka ayaa waxaa markiisa hore qeyb ka ahaa Dowlada Somalia iyo maamulada dalka, waxaana halkaasi ka maqnaa xubnaha dowlada Federaalka u matali lahaa iyo maamulka Somaliland, iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayen xubno ka kala socday Hay’adaha adduunka kuwooda daneeya arrimaha Somalia.

Jamaal Maxa’ed Xassan, ayaa goortii uu tagay xarunta uu shirka ka socday ku dhawaaqay in shirka uu yahay mid aan sii soconkarin sababo la xiriira xubnaha ka socda dowlada iyo Somaliland oo shirka ka maqan, waxa uuna halkaasi ku kala diray xubnaha ka socday maamulada iyo kuwa Hay’daha ee shirkaasi ahmiyada u arkay.

Mas’uul ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in Danjiruhu uu shirkaasi hakiyay xili uu dhamaad ahaa isla markaana ay ku howlanaayen diyaarinta qodobada kasoo baxay shirka, waxa uuna sheegay in ilaa iyo iminka uusan ogeyn ujeedka shirka loo hakiyay.

Dowlada Somalia, ayaa kasoo horjeeda in wakhtigaani laga doodo arrimaha ku xeeran Badda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com