Xasan oo u tagaya boqor Burhan si uu fashiliyo qorshaha SHARIIF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal u muuqda hinaase iyo fashilin dhowaan ku tagaya deegaanada Puntland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Socdaalka Xasan oo ku beegan arbacada ama khamiista ayaa looga gol leeyahay in looga hordhaco socdaal u qorsheysan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku wajahan deegaanada Puntland.

Xasan oo u arka Shariif halis kusoo wajahan kursigiisa ayaa ka war helay socdaalka Shariifka, wuxuuna doorbiday inuu ka hordhaco, si uu taageero uga raadiyo deegaanda Puntland.

Xasan ayaa la filayaa inuu u tago boqor Burhaan oo ah boqorka Daarood, si uu u weydiisto taageerada beesha Daarood, isaga oo ku doodi doona inuu waxyaaybo badan siiyey Puntland, sida xubnaha dheeriga ah ee aqalka sare.

Lama yaqaan sida boqor Burhaan uu ku taageeri doono Xasan, maadaama la filayo in musharaxiin badan oo beeshaas ah ay is sharxaan.

Hase yeeshee, walaaca ugu weyn ee Xasan ayaa ah isbaheysi siyaasadeed oo dhex mara Shariif Axmed iyo Puntland, taasi oo meesha ka saari karta hamigiisa dib u doorasho.

Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas ayaa kasoo horjeeda damaca Xasan, isaga oo rumeysan inay heli karaan madaxweynenimada.

Si kastaba, ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo loo ballan qaaday ra’iisul wasaarenimo, ayaa gadaal ka riixaya Xasan, waxaana la filayaa inuu ka hordhaco socdaalka Xasan

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
Caasimada@live.com