26.4 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Sawirro: Maxay ka wada hadleen madaxweyne Farmaayo iyo R/W Veysi Keynak?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ra’isul wasaare ku-xigeenka Turkiga Veysi Keynak.

Farmaajo iyo Veysi Keynak ayaa ka wada hadlay xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Turkiga iyo Somalia.

Veysi Keynak, ayaa Farmaajo u ballanqaaday in Turkiga uu xoojin doono xiriirka kala dhexeeya dowlada cusub ee Somalia, waxa uuna ballanqaaday in deeqaha aysan intaa ku ekaan doonin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’isul wasaaraha kaga mahadceliyay Booqashada uu maanta ku yimid Magaalada Muqdisho, iyo taageerada Balaaran ee dowladda Turkiga siiso Somalia.

Veysi Keynak ayaa sidoo kale maanta Xafiisyadooda wuxuu kula kulmay R/wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

- Advertisement -

Read more

Local News