Akhriso: Wareegto labaad oo kasoo baxday Xafiiska C/wali Gaas oo xilal cusub lagu magacaabay

Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa Wareegto labaad oo kasoo baxday Xafiiskiisa ku magacaabay Agaasimayaasha Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray degreeto xeer Madaxweyne oo nambarkeedu yahay Lr.44 ee April 02 2017 isla markaana kuna saabsan magcaabid Agaasime Guud, Kuxigeen Agaasime Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Degreetada magacaabista Agaasimayaash ayaa u khorneyd sidan.

Madaxweynaha Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo
Markuu latashaday: Wasiirka Amniga.

Wuxuu xeeriye

1-Waxaa Maxamed Faarax Ashkir loo magcaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland

2-Waxaa Cabdikariin Maxamed Faarax loo magcaabay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland.

3-Waxaa Haashim Axmed Cabaas loo magcaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland.

4-Waxaa Cabdinaasi Yuusuf Xaaji Xirsi loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Amniga ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com