Daawo Video: Wasiirkii dekedaha oo geeridiisa ka hor Soomaalida uga tagay muuqaal dareen leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Saaka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya ku geeriyooday Wasiirkii hore ee dekedaha ee xukuumaddii Cumar Cabdirashiid Allaha u naxariistee Nuur Faarax.

Wasiirka ayaa maalmahaani ahaa mid xanuun la yiilay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Muuqaalkii ugu danbeeyay ee uu ka tagay Marxuumka oo iminka lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa u muuqday mid uu dhambaal midnimo ugu diraayay Shacabka Soomaaliyeed.

Marxuumka oo la baahiyay Khudbadiisii ugu danbeysay ayaa waxa uu uga hadlay ahmiyada ay leedahay Midnimada iyo in Somalia ay usii kala go’eyso Gobolo farabadan oo loogu tallo galay in lagu sii kala fogeeyo Umadda Soomaaliyeed.

Muuqaalka laga duubay ayaa waxa uu ku tilmaamay in Soomaalida oo dhan uu ku ogyahay midnimo iyo in la noqdo kuwo isku duuban.

Waxyaabaha uu ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Musiibada ka dhalatay 4.5 iyo qaadashada Federaliisimka, waxa uuna xiligaa carab dhabay in Somalia ay hoog iyo halaagba gashay markii ay qaadatay Federaaliisimka, kadib markii Caalamka uu ku fashilmay in Soomaalida uu isaga horgeeyo qabiil qabiil.