Sawirro: Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukuno dil ah riday (Akhriso Magacyada) !!

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida ee DF Somalia, ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday Dhalinyaro lagu helay falal kala duwan.

Dhalinyaradaani ayaa ka mid ahaa Ciidamada DF Somalia, waxaana lagu soo oogay fal dambiyeedyo dil ah oo ay ku kaceen.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow, ayaa xukunada Maxkamada ku dhawaaqay, markii ay racfaan ka qaateen xukunada Maxkamada Darajada 1-aad.

Askarta xukunka dilka ah ee maanta lagu riday, ayaa waxa ay kala ahaayen:

1-Dable Xoogga Cabdullaahi Foox foox oo maqane ah

2-Xidigle xoogga Axmed Biyoole Xasan 35 jir ah, Ina Aamino Maxamed, ku dhashay Shabeelaha Dhexe.

Markay aragtay: Qodobka 434aad xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, qodobka 19aad xeerka Ciqaabta ciidamada iyo qodobka 306 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Markay aragtay: Xukunka Maxkamada darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Nambarkiisu yahay, LR/MCQS719, 2015, taariikhdiisuna tahay 21.03.2015, kuna xakuntay xukunsanayaasha kala ah

1.Dable Xoogga Cabdullaahi Cali Foox Foox oo maqane ah 50 halaad oo geel ah, ahna diyadii Marxuumad Aamino Cabdullaahi Siyaad

2. Xidigle Axmed Biyoole Xasan in xabsiga laga sii daayo.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda sare ee ciidamada, waxaana uu yiri “Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida waxa ay baabi’isay xukunkii Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida horey ugu xakuntay dable Cabdullaahi Cali Foox foox oo maqane ah, waxayna Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ku xakuntay dil toogasho ah, ahna qisaastii Marxuumad Aamino Cabdullaahi Siyaad.

2. Xidigle xoogga Axmed Biyoole Xasan 35 jir ah, Ina Aamino Maxamed, ku dhashay Shabeelaha Dhexe, la soo xiray 27/12/2014, waxayna maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ku xakuntay 3 sano oo xabsi ciidan ah, oo ah fakintii uu fakiyay xukunsane Dable Xoogga Cabdulaahi Cali Foox foox”.

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa xukuntay Cabdulaahi Xasan Cadaan ku xakuntay dil toogasho ah oo ah qisaastii Marxuum Ex-dable Xoogga Rajab Cabdullaahi Maxamed oo uu horey u dilay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

1

2

3

4

5

6