Dowladda ETHIOPIA oo jawaab aan laga fileyn ka soo saartay dad ay ka gowraceen DAACISH!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay Maleeshiyaadka Daacish ee ka dagaalama dalka Libya qoorta ka jareen dhalinyaro u dhalatay dalka Ethiopia, ayaa waxaa arrintaasi jawaab aan la fileyn kasoo saartay Dowladda Ethiopia.

Ridwaan Xuseen oo ah Afhayeenka u hadla Dawlada Ethiopia ayaa sheegay in aanay wali si rasmi ah u xaqiijin karin in dadkaasi ay ahaanyen Muwaadiniin Ethiopia-n ah.

“Inkastoo muuqaalka muujinaya dilkaasi uu soo gaaray safaarada aanu ku leenahay Magaalada Qaahira, hadana weli ma aanan xaqiijin, waayo Muwaadiniintenu waxa ay shabahaan afrikaan badan”

“Waxaa waajib naga saaran inaan cambaareyno falkaasi, waayo cid waliba oo ay noqdaan si gaar ah ayan uga danqaneynaa”

Ridwaan Xusayn afhayeenka Dawladda Ethiopia, waxa uu si dadban u inkiray Jinsiyada Muwaadiniintaasi, waxa uuna qeexay inay socdaan baaritaano.

Dhacdadaani, ayaa noqoneyso tii ugu horeysay oo Maleeshiyada Daacish kula kacaan Ethiopia, waxa ayna tani albaab u fureysaa beegsi hor leh oo dhexmara Kooxda iyo Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com