Xog: Xasan Sh. oo Faarax C/qaadir u xil saaray in uu Ethiopia ka dhaadhiciyo qorshihiisa ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo dalka Urdun kaga qeybgalaya shir looga hadlayo qatarta argagixisada, ayaa ka hor intii uusan Muqdisho ka dhoofin kala hadlay Faarax C/qaadir oo ay ka wada tirsan yihiin Xisbiga Damul-jadiid in saraakiisha Itoobiya uu ka dhaadhiciyo in ay taageeraan qorsha ay ku doonayaan in Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe loogu doorto C/kariin Xuseen Guuleed.

Itoobiya ayaa dhinaceeda waxeey ku jirtaa olole ay ku dooneyso in maamulka G/dhexe madax looga dhigo shaqsi taageersan afkaarteeda; waxaanna soo baxaya warar aan la hubin oo sheegaya in Axmed C/salaan oo lagu tiriyo siyaasiyiinta ugu dhowdhow Itoobiya inuu ka laabtay musharaxnimadiisa.

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Damul-jadiid ayaa lagu eedeeynayaa ku takri fal awooda Dowladda oo si xun loo isticmaalo, waxaanna hadda culeyska ugu weyn ay saarayaan in maamul gacan ku rimis ah oo madax looga dhigo shaqsiyaad iyaga taabacsan in lagu dhiso G/dhexe.

Lacagtii ugu badneyd ee lagu dardargelinayo doorashada C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la geeyey Caddaado, waxaanna dad badan ay isweydiinayaan in heerka musuq-maasuqa madaxda sare ee Dowladdu uu gaarsiisan yahay in shaqaalihii Dowladda (rayid iyo askar ba) aysan 4 billood qaadan wax mushaaraad ah, isla markaana mushaaraadkoodii lagu galayo olole doorasho ah.

Hab dhaqankii aan horay uga baranay Dowladda Soomaaliya iyo maamulada Gobolada waxeey aheyd in xilli kasta oo doorasho ay dhaceyso in wax lagu sheegay odayaasha dhaqanka ay soo xulaan ergooyinka wax dooranaya, si odayaashu u soo doortaan shaqsiyaad taabacsan afkaarta Damul-jadiid waxaa loo diyaariyey lacago xad dhaaf ah, taas oo ka dhigan in ay soo xulaan qofkii cod siinaya Damul-jadiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com