Dhageyso: Tirada ajaanibta ku dhimatay qaraxa Garoowe oo korortay iyo Puntland oo hadashay

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska booliska goboka Nugaal ee maamulka Puntland ayaa sheegay in ku dhawaad 4 ruux ay ahaayeen dadka ajaaniibta ee ku geeriyoday weerarka.

Sidoo kale waxaa labo ruux oo kamid ah dadka geeriyooday ay ahaayeen Soomaali la socotay gaariga iyo ruux la sheegay inuu isku qarxiyay dadka.

Sidoo kale Shan ruux oo Soomaaliy iyo labo ajaaniib ah ayaa ku dhaawacantay qaraxa ka dhacay magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Taliska booliska ayaa sheegay iney wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen, waxaana ruuxa is qarxiyay looga shakisan yahay inuu gaariga ku dhexjiray.