Sawirro cusub: Qaraxii ka dhacay Garoowe oo shaki ka dhex abuuray maamulka & QM + Gudi

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan looga hadlaayay Amaanka ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay Madaxtooyada Maamulka Puntland, kaasi oo u dhexeeyay Maamulka iyo Saraakiil ka tirsanaa QM.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ujeedka kulanka uu ahaa mid ku qotomay weerarkii maanta lagu laayay shaqaale ka tirsanaa QM, waxa uuna dalabka kulanka ahaa mid ka imaaday dhanka QM.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey la faray in isaga iyo Xubnaha Maamulkiisu ay kasoo tala bixiyaan Qaraxa.

Xubnaha QM uga qeybgalay kulanka ayaa lagu soo waramayaa inay tuhun ka qabaan in weerarkaasi la maleegay ay ku lug lahaayen shaqsiyaad ka tirsan ciidamada maamulka, taasina ay keentay in Madaxweyne xigeenka uu isla kulanka ku magacaabo gudi isugu jira Wasiiro iyo Taliyayaal baaritaano ku sameeya weerarka.

Gudigaan oo ka kooban Wasiiro iyo Taliyaal ciidan ayaa waxaa ay kala yihiin:

1: Wasiirka Aminga Dawladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore

2: Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle

3: Wasiir Dawlaha caafimaadka Dawladda Puntland Cabdullaahi Jaamac Cali

4: Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf

5: Taliyaha Nabadsugida Puntland Cor. Cabdullaahi

Weerarka oo ahaa mid in mudo ah la qorsheynaayay ayaa waxa uu galaaftay shaqaale katirsan Qaramada Midoobay oo isugu jiray Ajanabi iyo Soomaali, kuwaasi oo ku sugnaa meel ku dhow xarunta Hay’adda FAO ee magaalada Garowe.

Madaxwene ku-xigeenka iyo xubno ka tirsan Maamulka ayaa booqday goobta uu ka dhacay qaraxa waxaana uu uga sii gudbay cisbitaalka weyn ee Magaalada Garoowe, halkaas oo la gaarsiyay dhaawacydada iyo dadka dhintay.

Geesta kale, Qaraxaani oo ah mid shaki galiyay QM ayaa waxa uu iminka abuuray shaki ku aadan in fulintiisu ay fududeeyen Xubno, Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Maamulka, waxaana iminka Maamulka looga fadhiyaa inay ka talo bixiyaan Qaraxa.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Camey

camey1

camey3

camey4

camey5

camey6

camey7

camey8

camey9

camey10

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com