Muxuu XASAN SH. ka yiri wixii maanta dhacay?

Muqdish (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhruriyadda Federeealka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka maanta lagu qaaday shaqaalaha Qarammada Midooday ee magaalada Garowe.

Madaxweynuhu wuxuu yiri “weerarka lala beegsaday Qarammada Midoobay mid lagu qaaday dadka iyo dalka Soomaaliya, gaar ahaanna ubadka Soomaaliyeed maaddaama shaqaalaha la weeraray uu xilkoodu ahaa waxbaridda carruurta Soomaaliyeed”.

Madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadka maanta lagu dilay qaraxa Garowe. Madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-moon iyo Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya Nicholas Kay iyo Madaxda dalalka ay u dhasheen Shaqaalaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee weerarka lagu dilay. Wuxuuna u sheegay in aan ummadda Soomaaliyeed illoobi doonin waxqabadka iyo taageerada Qaramada Midoobay iyo shakhsiyaadka naftooda u huray.

Madaxweynuhu wuxuu ballan qaaday baaritaan deg deg ah in ay ciidammada Amnigu ku sameyn doonaan sida ay wax u dheceen, isla markaana Qaramada Midoobay ay Dowladdu la wadaagi doonto xogta, ayada oo isla markaasna gacna furan lagu soo dhoweynayo haddii ay Qaramada Midoobay ay ka qeyb qaadaneyso baaritaanka.

Madaxweynuhu wuxuu ku boorriyay Dowlad Goboleedka Puntland iyo gaar
ahaan ciidanka Amnigu in ay sii xoojiyaan feejignaantooda isla markaana aanay u dabcin argaggixisada oo hadda ku soo haray degaanno kooban, laguna daba jiro.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com