Sawirro: Daacish oo gowracday 28 Ethiopian ah

By Asad Cabdullahi Mataan

Tripoli (Caasimada Online) – Ururka Daacish ayaa soo saaray muuqaal Video ah oo muujinaya 28 ruux oo qoorta laga jarayo, waxayna Daacish sheegtay inay ahaayeen Itoobiyaan Kirishtaan ah oo lagu laayay Liibiya, kadib markii ay diideen inay Jizya (madax furasho) dhiibaan ama ay diinta islaamka qaataan.

Daacish ayaa hore ugu gowracday dalka Liibiya 21 Masaari Kirishtan ah, waxayna tani noqoneysaa markii ugu horeysay ee qaxooti ka soo jeeda Geeska Afrika ay gowracdo Daacish.

Fariinta Muuqaalka ee Daacish ayaa soconeysa muddo 29 daqiiqo ah waxaa kaloo ka muuqanaya dadka la gowracay oo dhar madow iyo kuwo cas xiran oo xeebaha Liibiya gobol bartamaha dalkasi ku yaala lagu daldalayo iyadoo madaxooda oo la jaray la saaray xabadkooda.

Dowladda Itoobiya ayaa la sugayaa jawaabta ay ka bixin doonto arrintan ka dhacday dalka Liibiya oo hadda sii noqonaya dalkii saddexaad ee si weyn ay u joogto Daacish ama IS oo ka talisa qeybo ka mida dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

daacish 1daacish 2daacish 3