Beeesha XAWAADLE oo 4 qodob kasoo saartay kulan ay uga soo horjeedaan GO’AANKII lagu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada , Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Beelweynta Xawaadle , waxa ay ku dhawaaqayaan qodobada hoos ku xusan oo ku saabsan dhismaha Baarlamaanka Maamulka KMG ah ee Juba :

1-Beelweynta Xawaadle , waxa ay ugu baaqeysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud inaanu booqan Magaalada Kismaayo , illaa iyo inta Beelaha dega Gobolada Jubbooyinka oo Beelweynta Xawaadle ay ka mid tahay laga siiyo Xubnaha ay ku leedahay Baarlamaanka Juba .

2-Beelweynta Xawaadle , waxa ay ku wargelineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya , Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), Ergeyga IGAD,Ergeyga Midowga Yurub, Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya , Danjirayaasha iyo wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya , in Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe ku takri falay awoodda , sameystayna Baarlamaan aaney u dhameyn dhammaan beelaha wada dega Gobolada Jubooyinka , taasina ay xadgudub ku tahay heshiiskii lagu ogolaaday dhismaha Maamulkaasi ee lagu saxiixay Addis Ababa, ayna caqabad ku noqon doonto geedi socodka nabadda, dib u heshiisiinta iyo fidinta awoodda maamul.

3-Beelweynta Xawaadle oo ka mid ah beelaha wada dega dhammaan gobolada Jubbooyinka sida Jubada hoose , Jubada dhexe iyo Gedo , waxa ay cadeyneysaa in laga hor istaagay, loona diiday helidda xubnaha ay ku yeelan laheyd Baarlamaan uu yeesho Maamulka KMG ah ee Juba .

Wabillaahi Towfiiq

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com