Xasuuq Jubbooyinka: “Axmed Madoobe waxba nooma dhaamo KENYAANKA na xasuuqaya” !!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Salaad Cartan oo kamid ah Odayaasha dhaqanka ee ku nool Deegaanka Hosingow ee gobalka Jubada Hoose, ayaa sheegay in Ciidamada Axmed Madoobe ay xasuuq ba’an ku hayaan dadka Deegaanka.

Waxa uu sheegay in dhibaatada ay Ciidamada kala kulmaan aysan waxba u dhaamin kan ay ku hayaan Ciidamada Kenya ee qeybta ka ahaa kuwa AMISOM.

Salaad ayaa waxa uu cadeeyay in Ciidamada Axmed Madoobe, ay dileen Odayaal ka tirsan deegaanka, sidoo kalane ay xasuuq ba’an u geysteen barimageyto kasoo laabtay Xirooyinka qaxootiga Kenya.

Wuxuu tilmaamay in dhawaqooda ay gaarsiiyeen DF Somalia, hayeeshee aan ilaa iyo iminka laga bixin wax jawaab ah.

Dhanka kale, waxa uu carabaabay in markii leys barbar dhigo Ciidamada Axmed Madoobe iyo kuwa AMISOM ay naxariis kala kulmaan kuwa Kenya sababtuna ay tahay anshaxa ciidamada.

DF ayuu mar kale ugu baaqay inay wax ka qabato dhibaatooyinka Axmed Madoobe uu la dul taagan yahay shacabka ku nool Deegaanka Hosingow ee gobalka Jubada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com