Sawirro: Beelo dagaalsanaa oo heshiis gaaray

Jowhar (Caasimada Online) – Labo maalin ka hor waxaa magaalada Jowhar tagay wafdi ka koobnaa xubno ka tirsan wasaarada arimaha gudaha iyo xildhibaano ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo magaalada u tahay arimo ay kamid yihiin hishiiska ay kala saxiixdeen beelo ku dagaalsanaa magaalada iyo maamulka la doonayo in loo sameeyo gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.

Xubnahaasi waxaa hogaaminayay C/rashiid Xidig iyo xildhibaan Cosoble waxayna kulamo la qaateen odayaal kasoo jeeda dhinacyada ku dagaalamay bariga magaalada Jowhar.

Labada beelood oo muddo ku dagaalsanaa ayaa maalintii shalay hishiis buuxa ku kala saxiixday magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyaga oo halkaasi ku xoolo qashay iskuna cafiyay, sida uu sheegay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA.

dib-u-heshiisiin-4
dib-u-heshiisiin-5
dib-u-heshiisiin-6
dib-u-heshiisiin-7
dib-u-heshiisiin-8

Caasimada Online
Xafiiska Sh.Dhexe
Caasimada@live.com