Madaxdi la amray in lasoo xiro oo shaqo joojin..

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in shaqo joojin lagu sameeyay gudoomiyaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxay wararka sheegayaan in shaqo joojintaasi lagu sameeyay oo ay saameysay gudoomiye ku xigeenkii dhanka amaanka ee gobolka Hiiraan.

Arinta  ayaa ka dambeysay kadib markii maanta warqad qoraal ah oo kasoo baxday xafiiska xeer ilaalinta lagu amray in lasoo xiro labadaas masuul.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, ayaa lagu soo waramayaa inuu qaatay go’aanka uu shaqo joojintaasi ku xigeenkiisa dhanka amaanka iyo gudomiyaha degmada Beledweyne.

Gudoomiye ku xigeenka amaanka waxay aad isugu dhawaayeen gudoomiyaha gobolka Hiiraan, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay in la amro in maxkamad lasoo taago.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay gudoomiyaha degmada Beledweyne iyo ku xigeenkii dhanka amaanka ee gobolka Hiiraan oo labadaba la amray in maxkamad lasoo taago.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com