Dhageyso: Xog ku saabsan sababta ay beesha SADE kaga baxeen shirka magaalada Cadaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Ladhiif Cabdulaahu Warsame, oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda beesha Sade oo ku sugan magaalada Caabudwaaq ayaa Caasimada Online u sheegay sababta ay u tageen magaalada Caabudwaaq.

Wuxuu sheegay in looga yeeray magaalada ayna la tashi la sameynayaan waxgaradka ku sugan magaalada Caabudwaaq, maadaama maamul loo sameynayo Galgaduud iyo Mudug, balse ay shirka dib ugu laabteen.

C.ladhiif, ayaa sheegay in salaadiin ay u yeereen iyaga oo kus ugnaa magaalada Cadaado ayna ka qeyb galayen shirka ka soconaya magaalada Cadaado ee maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka.

Cadaado waxaa horay kaga soo tagay oo shirka kasoo baxay waxgarad kasoo jeeda beeshaasi, oo markii dambe u yeeray dadka kaga sugan magaalada Cadaado, laakiin waxaa wali ku harsan magaalada Odayaal uu hogaaminayo Suldaan Cabdi Casiis Daad Beyle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com