Beelo ka baxay shirka Cadaado oo is-beddelay!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in beelaha qaar ay dib ugu laabteen Hoolka shirka Cadaado.

Odayaasha shirka dib ugu laabtay ayaa horay uga careysnaa go’aano lid ku ahaa hanaanka lagu dhisaayo Maamulka oo ay qaaten Odayaasha Cadaado, waxaana iminka Odayaashaasi laga raali galiyay caradii ay ka qaaden go’aankaasi.

Sidoo kale, Odayaasha Magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay ka qeybgalayaan Shirka Maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud ee ka soconaya Magaalada Cadaado.

Cuqaashaan ayaa ka baxay Shirka Cadaado maalmo ka hor, kadib markii qaar ka mid ah Ergada Magaalada Cabudwaaq ay isku qabteen cida uga qeybgaleysa Shirka Magaalada Cadaado.

Kulaabashada shirka ayaa waxaa shaaciyay Suldaan Axmed Suldaan Xassan, waxa uuna tilmaamay in go’aankaani uu ka dambeeyay kadib markii wadatashiyo la xiriiray xalinta khilaafkaasi kadib ay isla garteen in si wadajir ah looga qeybgalo Shirka Maamul u sameynta.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale Odayaal isaga baxeen Shirkii dib u heshiisiinta Dhuusamareeb iyo kan Magaalada Cadaado, inkastoo markii dambe la xaliyay.

Waxaa hada ka socda Magaalada Cadaado dadaalo lagu soo xulayo Ergada Shirka ee soo dooran lahayd Madaxda Maamulka Mudug iyo Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com