24.3 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Sawirro: Meydadka ragii fuliyey weerarka oo lasoo bandhigay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa soo bandhigay Sawirada Meydadka 3dii ruux ee ka danbeysay weerarkii lagu qaaday Hoteel Ambassador ee magaalada Muqdisho.

Meydadka maleeshiyada weerarka fulisay ayaa da’dooda ka yar 30 jir.

Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed oo uu wehliyo wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo saraakiil ayaa sidoo kale gaaray hotelka, waxaana ay indha-dheynayaan xaaladda hotelka.

Wasiirka wuxuu sheegay ragga soo weeraray Hotelka inay gaarayeen ilaa Afar ruux oo mid ka mid ah uu isku qarxiyay ilinka Hotelka, halka saddexdii kale la toogtay, inkastoo labo ka mid ah waqti badan ay dagaalamayeen.

Wasiirka Amniga ayaa faray Maamulka Gobolka Banaadir inay ka shaqeeyaan soo celinta Bilicdii wadada si isticmaalka wadada uu caadi ugu soo noqdo.
qaraxamba3

qaraxamba

qaraxamba2

- Advertisement -

Read more

Local News