Sawirro: Midowga Afrika iyo DF oo yeeshay kulan xasaasi ah kadib ceyrintii Mulongo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo uu hogaaminayay Safiirka Masar u fadhiya dalka Itoobiya, ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Danjire Dr. Maxamed Cumar Gad.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo uu kulankaas kasoo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa looga wada-hadlay howlaha Ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa kulankaas diirada lagu saaray xoojinta Iskaashiga dowladda federaalka iyo Midowga Afrika, xili ay dhawaan dowladda ceyrisay ku-xigeenkii wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo.

Wafdiga oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxay hore ula kulmeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ay kala hadleen xaaladda Mustaqbalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Xog ay Caasimada Online ka heshay imaanshaha wafdigaan ka socda Midowga Afrika ee magaalada Muqdisho ayaa sheegeysay inuu daba socdo go’aankii ay toddobada cisho ugu qabatay in uu dalka ka baxo danjire Simon Mulongo.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore ugu eedeysay in danjire Mulongo lagu helay inuu isku dayay inuu is hortaago baaritaankii dadkii ciidamada AMISOM ku xasuuqeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale uu burburiyey heshiis dowlada federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ku galeen in taagero la siiyo dad uu sheegay in dhibaato loogu geystay xerada Xalane iyo carqaladeynta ganacsatada Soomaaliyeed ee xerada Xalane.