DAGAAL sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay magaalada Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal kooban oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo ay dhowaan la wareegeen ciidanka dowladda Soomaaliya & kuwa Galmudug.

Iska hor imaadka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo u muran soo kala dhex-galay, kadibna is-rasaaseeyey.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay, kadib markii ay ciidamadu isku qabteen kaarar loo qeybinayey dad shacab ah oo raashin la siinayey, kuwaas oo ka mid ah qoysaskii ay saameeyeen dadaalladii dhowaan ka dhacay gudaha magaalada Guriceel.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan hal askari, iyada oo ay ku dhaawacantay haweeney ka mid ah dadka deegaanka, taas oo loola cararay isbitaalka.

Xaaladda goobta lagu dagaalamay ayaa haatan deggan, waxaana gaaray saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ku baxay xiisaddaasi, si loo qaboojiyo.

Ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo ay mas’uuliyiinta degmada ka bixiyeeyn shaqaaqadaasi dhalisay khasaaraha kala duwan.

Guriceel oo laga saaray Ahlu Sunna ayaa waxaa horay uga dhacay dagaallo qaraar oo ay ku dhinteen saraakiil, askar labada dhinac ah iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.