Daawo: Xasan Sheekh oo ka sheekeeyey xaalkiisa markii uu Farmaajo ka guuleystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka sheekeeyey sida uu dareemay iyo waxa dhacay habeenka maalinkii looga adkaaday doorashada madaxweynaha ee sideedii Febraayo 2017.

Xasan Sheekh ayaa yiri “Sideedii Febaraayo 2017-kii waxa aan Madaxtooyada kasoo kacay aniga oo ah Madaxweyne balse habeenkii waxa aan laabtay aniga oo aan ahayn Madaxweyne, wax culeys ama mushkilo ah oo ay ugu qabatay ma lahan, sababtoo ah meeshaas meeeshii lagu ballamay ayey aheyd.”

“Waa seexday habeenkii aniga, hurdada igama tagin, problem iguma qaban, intii ka dambeysayna problem iguma qaban. Wareejinta xilka si qurxoon oo magaca Soomaalida kor u qaadaya ayaan ka shaqeynay, wayna u dhacda, illaa aan gaarnay in walaalaheen Carabta qaarkood ay dhahaan ‘waxaan rabnaa sida Soomaalida ay sameeyeen oo kale,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in haddana ay doonayaa inay ilaaliyaan qawaaniinta iyo xeerarka lagu heshiiyey, qof kasta oo ku guuleystaba.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in heshiis lagu yahay in afartii sano mar la qabto doorasho, isla-markaana kursiga madaxweynaha uu yahay mid la wada leeyahay.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in qofka uu iska sii joogo xafiiska, iyada oo uu waqtigii ka dhammaaday, taa soo oo xusay in tahay mid aan heshiis lagu aheyn.

Dalka waxaa lagu heshiiyay in afartii sanno mar doorasho dhacdo, Kursiga Madaxweynaha waa mid kawada dhaxeeya guud ahaan Soomaalida, balse ma aha in uu qof iska joogo, islama qaadan in uu qof iska fadhiyo meesha,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in la dardar-geliyo qabsoomidda doorashooyinka dalka, si looga faa’iideysto waqtiga haray.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday inuu boggaadinayo dadaallada socda oo ay hormuudka u tahay xukuumadda Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa aad uga daahday xilligii loogu tala-galay inay dhacaan doorashooyinka 2021-ka, taas oo sii daba dheereysay xilliga kala guurka ah ee uu haatan ku jiro dalka.