South Africa oo si kulul u beenisay warar laga faafiyey moos laga keenay Soomaaliya

Johannesburg (Caasimada Online) – Waaxda Beeraha iyo Horumarinta Reer Miyiga dalka Koonfur Afrika ayaa beenisay warar lagu faafiyey baraha bulshada oo sheegaya in moos laga keenay Soomaaliya ay ku jirto bacteria halis ah oo la yiraahdo Helicobacter.

Waaxda Beeraha ayaa sheegtay inuusan jirin moos dhowaanahan laga soo dhoofiyey Soomaaliya oo lasoo geliyey dekadaha Koonfur Afrika.

“Waaxda waxa ay sida ugu xooggan u cambaareyneysaa warar been abuur ah oo ku saabsan moos laga soo dhoofiyey Soomaaliya,” waxaa sidaas bayaan uu soo saraay ku yiri afhayeen u hadlay waaxda oo lagu magacaabo Reggie Ngcobo.

Helicobacter waa nooc ka mid ah bacteria oo gala qeybta dheef shiidka qofka, waxaan marka ay sanado ku jirto caloosha ay hoggaamin kartaa kansarka caloosha.

Reggie Ngcobo ayaa sheegay in cunto kasta oo dalka Koonfur Afrika lasoo geliyey si xooggan loo baaro, balse hadda uusan jirin moos ka yimid Soomaaliya. 

“Waaxda beeraha waxay ka digtoon tahay oo ay isha ku haysaa cuntada dalka lasoo geliyey, islamarkaana cunto kasta oo loo arko halis ama waxyeelo ku tahay shacabka ama dalkeena, looma ogolo inay soo gasho jamhuuriyadda, haddii halis ay soo baxdana, durba waa laga saraaa suuqyada,” ayuu yiri 

Moosku wuxuu ka mid yahay khudradaha adduunka ugu caansan, oo ay ka buuxaan faytamiino iyo macdanno.

Sida ay sheegeen Khubarada xagga cuntadda, waxaa mooska ku badan walaxda macdanta Potassium, oo jirka bini’aadamka u baahan yahay sida ay sheegtay Catherine Collins, oo ka tirsan Isbitaalka St George ee London.

Macdanta Potassuim ee jidhka ku jirta, waxay wax badan ka tartaa wadashaqaynta qaybaha kala duwan ee jidhka taas oo mooska laga helo.

Haddaba, mooska waxa ku jira walxo shucaaca nukleeriga ah leh oo aan aad u badanayn, dhibaatana aan u lahayn cafimaadka iyo nolosha qofka midna, mana jirto dhibaato gaar ah oo mooska uu leeyahay.