Maamulka Gobolka Banaadir oo jawaab kulul ka bixiyey go’aankii W/Waxbarashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka u dhaxeeya maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya, kaas oo la xiriira sida loo maamulayo goobaha waxbarasho ee ku yaalla caasimadda.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Gobolka ayaa waxaa loogu jawaabay wasaaradda waxbarashada oo shalay sheegtay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka joojiyeen lacagaha ay ka qaadaan Iskuulada ku yaalla Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu maamulo waxbarashada Gobolka, sida ku xusan heshiiska dhexmaray Wasaaradda Waxbarashada & Maamulka Gobolka, kaas oo la saxiixay 9-kii Bishii Agoosto 2020 oo ay goobjoog ka ahaayeen Garyqaanka Guud ee Dawladda, Sii-hayihii xillka Ra’isul Wasaaraha, hey’adaha kale ee heer Fedaraal & kuwa Maamulka Gobolka iyo dhammaan daneeyayaasha kale ee Waxbarashada.

Sidoo kale war-saxaafadeedka kasoo baxay Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Wasaaradda waxbarashada ay jebisay Dastuurka dalka, isla markaana ay faragelin toos ah ku heyso nidaamka adeeg daadejinta.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu aad uga xunyahay sida ay Wasaaradda Waxbarashada Fedaraalka u hareermarsan tahay una jabiso mar walba dastuurka dalka, shuruucda iyo ku dhaqanka heshiisyada khuseeya adeegyada Waxbarashada ee kala dhaxeeya Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo mar walba faragalin taban ku heysa maamulka waxbarashada Gooblka Banaadir kaliya, taas oo ka soo horjeeda nidaamka adeeg daadajinta, kala saarista awoodaha hey’adaha heer Fedaraal iyo heer maamul Goboleed iyo sidoo kale nidaamka Fadaraalaynta dalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa intaas ku sii daray, “Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Fedaraalka xaq iyo sharci mid-na uma lahan in uu baabi’iyo ama uu diido go’aankii ku saabsanaa soo saarista TARIIFADA adeegyada Waxbarashada kaas uu si rasmi ah u soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo isaga sharciyada dalka awood u siinayaan in uu soo saari karo xeerar maamul sida uu qabo sharciga Ir 6 ee soo baxay 1980 kii iyo sidoo kale sharciga Ir 116 ee soo baxay 2013-kii.”

Qoraalka kasoo baxay Maamulka Gobolka Baanadir ayaa lagu sheegay inay nasiib darro weyn iyo dib u dhac ku tahay waxbarashada Gobolka Banaadir go’aankii kasoo baxay Wasaaradda waxbarashada, waxayna sheegtay inay jiraan dano shakhsiyadeed oo arrintaan ka dambeeya.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo dhameystiran