Rooble oo waqti u qabtay guddiyada doorashooyinka soona saaray amar culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan habka fogaan araga ah la yeeshay Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed, xili uu socdo diyaar garowga doorashada Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu Rooble amray Guddiyada doorashooyinka labada heer inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayna soo gebo-gebeeyaan ugu dambeyn dhammaadka bisha December 2021.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu diyaar u tahay fududeynta arrimaha farsamo, amni iyo dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada. Isagoo guddiyada faray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan qorshe howleedka qabashada doorashada, ayna tagaan goobaha doorashadu ay ka dhaceyso,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Waxa uu kula dardaarmay Guddiga Xallinta Khilaafaadku in ay si dhow ula socdaan howsha doorashada, isagoona carrabka ku adkeeyay in uusan jirin kursi cid gaar ah loo xirayo, ayna lagama maarmaan tahay in tartanku noqdo mid furan oo xalaal ah.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaraha ku boorriyay guddiyada doorashada in la dhowro qoondada haweenka 30% ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS, oo dhowr jeer ay kasoo yeeren cabashooyin.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uu dhawaan booqan doono goobaha ay doorashadu ka dhaceyso, si uu ugu kuur galo habsami u socodka doorashada, islamarkaana loo dadajiyo doorashada.