Odayaasha Muqdisho oo u hanjabay wasiir ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Odayasha dhaqanka gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeymo u jeediyay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdulaahi Carab).

Odayaasha ayaa uga digay musuq-maasuq ay sheegen in Wasiirka uu ku sameeyo deeqaha waxbarasho ee loogu talo galay ardeyda gobolka Banaadir, kuwaasi oo qaarkood lacag badan lagu iibiyo, halka kuwa kalena hab qabiil uu u siiyo, sida ay sheegen.

“Waxbarashadii shacabka Soomaaliyeed ee degan gobolka Banaadir, ninka gacanta ku haya aad iyo aad ayuu nooga dhibaateyay waxbarashadii. Ilmihii manxooyinka ahaa ee loo helay waxay ku baxeen yaa qomii,” ayuu yiri Nabadoon Hilowle oo kamid ah Odayaasha la hadlay warbaahinta.

“Lacag ayuu ka rabaa (Ardeyda), wixii kalena reernimo ayuu ku qaadanayaa. Waxaa rabnaa in arrintaas si dhimir leh ay u fiirshaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.”

Sidoo kale waxay ku eedeyen in Wasiir Cabdullaahi Carab uu fara-gelin ku hayo xarumihii caafimaadka ee gobolka Banaadir, islamarkaana uu goobo danguud ahaa uu ka dhigay kuwa gaarka ah, sida ay sheegen.

“Odayasha dhaqanka waxay maanta iskugu yimaadeen waa dhibaato ka haysata caafimaadka, weliba goobaha caafimaadka qaarkood. Meel dan guud ah oo laga dhigtay Private kana qaalisan kuwii gaarka loo lahaa oo dadka badankooda ku geeriyoodaan.”

Ugu dambeyntiina waxay sheegen in si deg deg ah wax looga qabto ku tagri-falka awoodeed ee uu Wasiir Carab ku sameynayo goobaha danta guud ee gobolka Banaadir, islamarkaana dib loo fiirsho deeqaha waxbarasho ee uu musuq-maasuqayo, oo ay sheegen inuu ka sameeyo lacag badan.